0

URURKA SERIE Ada, CADDAAY FAMILY IYOSOMALI WEEK OO YUSUF YUSUF ABAALMARIN GADDOONSIIYEY.

Cayaaraha xagaaga ee ka dhicijiray magaalada London, ayaa waxaa lagu kala qaban jiray labo meelood. Nasiib wanaag sanadkan waxaa lagu guulaystay in hal meel lagu wada ciyaaro. Waxaa horey u ballan qaaday in sanadkan hal meel lagu qabto rug caddaaga sportiga heer qaran Mohamed Ismail. Ilaaheeyna wuu u aqbalay ducadiisa. Tartanka oo dhammaaday labo usbuuc ka hor ayaa xafladdii ugu dambaysay waxaa lagu soo gababeeyey Hotel Caalami ah, oo uu ugu deeqay Guddoomiyaha Jaalliyadda Sportiga Soomaaliyeed Daahir Cali Kulmiye.

Ururada isu tagay ee SSAUK iyo Somali Week ayaa waxay shahaaddo sharaf guddoonsiyeen Qoraaga weyn SSPAMEDIA oo aalaaba wax ka qora arrimaha spotiga gudaha iyo dibadda, Ururada Serrie A |SSAUK) IYO SOMALI WEEK ayaa sanadkan waxay u garteen in Yusuf Mohamed Abdi uu noqday qoraaga ugu hawl kar badan Tartanka xagaaga London 2012.

Waxaa kaloo Yusuf Yusuf Abaal marin qaali ah halkaasi ku siiyey CADDAAY FAMILY, iyadoo taasi ay ugu garteen, inYusuf mar waliba uu taageero dhalinta soo koreysa ee tayada leh. Yusuf wuxuu kalloo baadi goobaa ciyaartoyda ugu wanaagsan ee xirfadlayaasha ah. Waxaa aad loogu faraxsan yahay in ay maanta bahda sportiga ay wada garteen qoraaga da;da yar hawsha uu u hayo sportiga jaalliyadda Soomaalida ee gudaha iyo dibadda ku nool.
Akhristayaasha qaayaha leh waxaan ku wargelinaynaa in aan idiin soo gudbin doono wareysi aan ka qaadnay qoraaga da;da yar ee Yusuf Mohamed Abdi.

garoonka@yahoo.com

Filed in: International Sports

Recent Posts

Bookmark and Promote!

Leave a Reply

Submit Comment

© 2014 Garoonka. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by

Zakaria.