0

Gabdhaha Soomaalida Manchester ciyaaraha ka qeybgali doona

Guddiga kooxda Moss Side Sports Club (MSSC) ayaa shir uu ku yeeshay Manchester ee Britain ah isla markaana uu shir gudoominayay Macallin Maxamed Saalim ayaa waxaa looga hadlay sidii loo sameyn lahaa haween Soomaaliyeed oo ciyaara qeybaha kala duwan ee ciyaaraha.

Shirka waxaa looga hadlay in dadka Soomaalida oo ciyaaraha ka yaqaan oo kaliyaha kubadda cagta in la baro nuucyadda kale ee ciyaaraha iyo faaiidooyinka ay leeyihiin.

Qodobadda kale ee shirka looga hadlay waxaa ka mid ahaa

In naadigu MSSC oo leh koox waaliddiin ah oo ciyaarta kubadda cagta ah in la hormariyo. In la dhaqan galiyo kooxo gabdho ah oo nuucyadda kala duwan ee ciyaaraha ciyaara iyadoo ilaa iyo hadda ay isa soo diiwaan galiyeen 25 gabdhood.

In la balaariyo da’da caruurta dooneysa in ay ka mid noqdaan naadiga maadaama horey loogu xadiday 4-10 sano jir markii ay waalidiin badan soo codsadeen in caruurtooda loo diiwaangaliyo.

In la keeno macalimiin haween ah oo iskugu jira Soomaali iyo ajanabi oo tababar siiya gabdhaha iyo caruurta Soomaaliyeed.

Guddiga MSSC waxey aad ugu doodeen sidi haweenka Soomaaliyeed guryaha looga soo bixin lahaa isla markaana tababaro loo siin lahaa iyadoo loo keeni doono macalimiin haween ah.

Howlaha cusub ee MSSC waxaa ka mid ahaan doona sidii gabdhaha yaryar loogu bilaabi lahaa tababar dhanka ciyaaraha tennis-ka iyo in la keeno macallimiin heer qaran ah Manchester si caruurta ay u baraan ciyaarta Chess-ka ama Shataranjiga.

Shirkaan oo ay ka soo qeybgaleen macallimiin, waallidiin iyo guddiga fullinta naadiga waxaa lagu heshiiyay in shir weyne kale la iskugu yimaado dhamaadka bisha October ee sanadkaan.

Filed in: International Sports

Recent Posts

Bookmark and Promote!

Leave a Reply

Submit Comment

© 2014 Garoonka. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by

Zakaria.