SOO DHAWEYNTII CIYAARTOYDA NIGERIA IYO MAGAALADA MANCHESTER(sawiro)

Kooxda Moss Side Sports Club ayaa xalay waxay casho sharaf u sameeyeen Koox Nigerian ah oo seddex cisho ka hor ka yimid dalka Nigeria. Guddoomiyaha Naadiga Mohamed Abdalla Saalim ayaa khudbad aad u dheer ka soo jeediyey halkaasi. Iyadoo aysan u kala harin jaalliyadda sportiga ee magaalada Manchester ayaa halkaasi waxaa goob jooga ka ahaa, Guddoomiyaha guddiga waaladdiinta ee Moss Side Sports Club, La taliyaha Moss Side Sports Club, Guddoomiyaha Old Boys ee Magaalada Manchester Xaaji Siinay, Kaptanka Xulka jaalliyadda Manchester Kaptan Ibraahim Ibbi, Haaji Sheyllila, Cumar Jareere oo xubin ka ah guddiga waaladdiinta Moss Side Sports Club, Bashiir Abdullaahi oo Xubin ka ah Guddiga waalladdiinta Moss Side Sports Club, Mr. Italy, Abdullahi, Abdixakiim, Guddoomiyaha ururka dhalinyrada magaalada Manchester Mr. Bishaar iyo dhammaan dhalinyaro kale oo ka tirsan kooxda xulka Manchester. Dhamaantood waxay ka hadleen xafladda soo dhaweynta ee loogu tala galay martida ka timid dalka Nigeria. Maalinimada jimcaha ayaa waxaa wada ciyaari doona labada kooxood ee kala ah xulka Machester iyo kooxda ka socota dalka Nigeria.

digg delicious stumbleupon technorati Google live facebook Sphinn Mixx newsvine reddit yahoomyweb