0

TABABAR CIYAAREED GABDHO AH OO LAGA BILAABAY MAGAALADA MANCHESTER

Naadiga ka dhisan magaalada Manchester ee MOSS SIDE SPORTS CLUB, ayaa wuxuu horey u furay iskuul lagu barto kubadda cagta. Run ahaantii waaladdiinta deggan magaalada Manchestr iyo nawaaxigeeda aad bay uga faa’ideen dugsugan tababarka kubadda cagta. Da’da dhigata iskuulkan ayaa waxay ka bilowdaan 4jir ilaa iyo 10jir. Waalladiinta dugsiga ayaa waxay inoo shegen muddadii ay tababarkan ku jireen caruurtooda in ay wax badan ka faa’ideen haddii ay noqon lahayd caafiaad ahaan iyo waxbarasho ahaan. Dhinaca waxbarashada waxay yiraahdeen in caruurtooda ay shuruud uga dhigeen qofkii aan casharadiisa iskuulka iyo qur’aanka aan ka shaqayn in aan loo kaxayn doonin kubadda. Qof walba ama wiil walba waxay yiraahdeen casharkiisa sida ugu dhaqsaha badan ayuu uga soo baxaa. Dhinaca caaafimaadka waxay yiraahden waaladdiintan caruurtii aan ku qasbi jirnay in ay jiifsadaan dhaqsi, in ay hleen jiif iyo hurddo aan horey loogu arag.

Codsiyo fara badan oo ka yimid dhinaca waalidka ayaa waxay codsaden in loo bilaabo gabdhahooda tababar ciyaareed. Arrinka gabdhaha oo ku cusbaa bulshada Soomaaliyeed ayaa MOSS SIDE SPORTS CLUB waxay bilaabeen Basketball, badminton iyo Tnnis. Macallamiinta ka diiwaan gashan Naadiga Moss Side ayaa waxay marqaati fureen in gabdhaha ay ka fahmad badan yihiin wiilasha. Guddoomiyaha Naadiga Maxamed Abdalla Saalim ayaa wuxuu inoo sheegay in ay u qorshaysan tahay ilaa iyo 30 gabdhood in ay baraan Basktball, Badminton iyo Tennis. Haddii lagu guulaysto tababarkan guddoomiyaha wuxuu balln qaaday in uu ballaarin doono. Guddoomiyaha isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu yiri waan daremayaa in gabdhaha ay u baahan yihiin tababar jireed, halka ay iska fadhin lahaayn guriga, wiilashana loo kaxayn lahaa tababar. Guddoomiye Mohamd Saalim hadalkiisa wuxuu ku soo gabagabeeyey waxaan wax u soo baranay dadkeena, marka waa in aan u faa’idaynaa caruurteena, sida umadaha kale.

Filed in: International Sports

Recent Posts

Bookmark and Promote!

Leave a Reply

Submit Comment

© 2014 Garoonka. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by

Zakaria.