0

MAXAMEDOW SPORTIGA MAXAA LAGA SHEEGAY?

Akhristayaasha xiiseeya fadhi ku dirirka MAXAMDOW SPORTIGA MAXAA LAGA SHGAY, waxaan uga cudur daaranaynaa, shaqaalihii oo fasax ku wada maqnaa. Sheekadii Maxamd iyo Muuse waxay u dhacday sidan hoos ku qoran:

MUUSE: Maxamedow Horaad waxaad iiga dhibsatay in aan maalin walba ku weyddiiyo Sportiga maxaa laga sheegay. Laakiin maanta anigaa warbixinno badan kuu haya ee dhagahaaga ma i deymin kartaa. Dhego lays deeymiyo waxaan ka wadaa ma i dhagaysan kartaa. Maxamedow intaan kala maqnayn, dhawr magaallo ayaan ku soo wareegay oo UK ka mid ah.
Waxaan soo ogaaday dhibka iyo jillaafada in ay ka jirto magaalada London.
Horumarka sportiga caruurta iyo dhalinyarada in ay ka jirto magaalada Manchester.
Ganacsi iyo sport aan laga warqabin in ay ka jirto magaalada Birmingham.
Sport jacayl iyo odayaal aan is haysan magaalada Bristol.
Yaa yiri sport kama jiro iyo waa lays qilaafsan yahay waxaan ku soo arkay magaalada Lester.
Gabdho basket la ciyaarsiiyo iyo safar baa loo kaxaynayaa waxaan ku soo arkay magaalada Southampton.
Dhalinyaro isku duuban iyo marti soor wanaagsan waxaan ku soo arkay magaalada Northampton.
Dhalinyaro u ooman maamul sport iyo in la hogaamiyo oggol waxaan ku soo arkay magaalada Moltikiinis.
Caruur iyo waalidkood baadi goob macallamiin sport ku jira waxaan ku soo arkay magaalada Bolton.
Cayaartoy wanaagsan waanu haynaa laakiin si la inoo barto waxaan la’nahay TV-yada, waxaan ugu tegay magaalada Leeds.
Kooxda ugu wanaagsan UK ayaanu nahay, laakiin hadal iyo afmiinshaarnimo ayaa la ina dheer yahay waxaan ugu tegay magaalada Cardif.
Somalinimo, sinaan, iyo isku duubni bulsho wada sport ah waxaan ugu tegay magaalada Glascow.

MAXAMED: Saaxiibow Muuse marka hore waxaan kaa raali gelinayaa hadaladii xumaa ee aan kuugu iri. Midda xigta, Muusow magaallo aad dhaaftayba ma jirtee socod badnaydaa. Anigana iga dhagayso fadhi ku dirirada London meel aanan tegin ma jirto, laakiin sidaada oo kale geesi uma ahi, oo ma dhihi karo fadhi ku dirir ku yaalla xaafad hebel ayaan tegay. Waxaanse kuu sheegi karaa hadaladii aan ka soo ururiyey.
Waxaan soo arkay nin dhahaya, haddaan wax weerarin anigaa la i soo weerayaa.
waxaan soo arkay nin dhahaya haddaan dad isku dirin anigaa laysoo weerarayaa.
Waxaan soo arkay nin dhahaya, ma waxaa jira nimaan aniga ahayn.
waxaan soo arkay nin dhahaya, hebel meel aan aniga joogo kama hadli karo.
Waxaan soo arkay nin dhahaya, haddii labadaasi heshiiyaan ama isa salaamaan, labadoodaba agtayda waxba kama aha.
Waxaan soo arkay nin dhahaya, hebel weligiis sport ma noqon iyo goormuu bartay, sportiga nuucan ah.
Waxaan soo arkay nin dhahaya sportiga maa laga daayo tuugsiga.
Waxaan soo arkay nin dhahaya, sportiga qabyaalladda maa laga daayo.
Waxaan soo arkay nin dhahaya sportiga anagaa dhaxal u leh.
Waxaan soo arkay nin dhahaya, Haddii xafladaha khudbo la ii dhiibin waa la i yasi.
Waxaan soo arkay nin dhahaya, haddii la heshiiyo, maxaan ka doodnaa.
Waxaan soo arkay nin dhahaya midnimada iyo isku duubnida waa naga afka ee caloosha ma jirto.
Waxaan soo arkay nin dhahaya, hebel ayaan wakiil u ahay waxba lagama sheegi karo.
Waxaan soo arkay nin dhahaya, waa in aan xubin xiriir noqdaa si aan safar iyo sahay u hello.
Waxaan soo arkay nin dhahaya, qur’aan aan anigu akhrinin aqbal ma aha.
Waxaan soo arkay nin dhahaya, waxaan anigu fahmi waayey sidee bay ku fahmeen kuwakan.
Waxaan soo arkay nin dhahaya, dadka oo dhan buufis bay wada qabaan, markii aniga layga reebo.
Waxaan soo arkay nin dhahaya,safarada sportiga in aan raaco waxaan u jeclahay in aan ku soo fushado danahayga gaarka ah.
Waxaan soo arkay nin dhahaya, waxaan la caytamayaa in la i barto.
Waxaan soo arkay nin dhahaya, odayaasha sportiga maxay u mideyn waayeen dadkan isqilaafsan.
Waxaan soo arkay nin dhahaya, xafladha sportiga kharashka lagu bixinayo ma waddankii loo diro.
Waxaan soo arkay nin dhahaya, wallaahi weli ma fahmin sportiga waxa uu isku haysto.

MUUSE: Maxamdow ma is tiri dadka sportiga London dhaqtar cilmi nafsi ayey u baahan yihiin.

la soco qaybta kale

Waxaa diyaariyey:Abdulkadir Caddaay

Filed in: International Sports

Recent Posts

Bookmark and Promote!

Leave a Reply

Submit Comment

© 9525 Garoonka. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by

Zakaria.