0

Maxaa hortaagan in wasaarada isboortiga iyo dhalinyarada shaqadeeda qabsato?.

”Xukumada cusub ee dalka Soomaaliya ee uu hogaamin doono hadii Eebe idmo Wasiirka koowaad Jaalle Cabdi Faarax Shirdoon ”Saacid” waxay bahda isboortiga Soomaaliyeed meel kasto ay joogaan uga fadhiyaan inuu muhiimad gaar ah siiyo wasaarada isboortiga iyo dhalinyarada iyo sidii wax loogu qaban lahaa caruurta iyo dhalinyarada Soomaaliyeed”. Turxaanbixinta todobaadkan waxaan ku eegaynaa howlaha baaxada weyn ee laga filayay inay qabtaan masuuliyiinta wasaarada isboortiga iyo dhalinyarada dalka Soomaaliya, hadii ay ahaan lahaayeen Wasiirka, Wasiiru dowlada iyo wasiir ku xigeenka, halka aanu ognahay in agaasimaha guud ee wasaarada uu in mudo ah xafiiskaas ka shaqeynayay,hadane wax la taaban karo uu qabtey ma jirto 3-dii sano ee la soo dhaafey. Wasaarada isboortiga iyo dhalinyarada oo ah wasaaradaha dunida ugu shaqada badan,islamarkaana horumarisa dhalinyarada iyo isboortiga caalamka, hadane ka soo biloow xiliga burburka dalka Soomaaliya ilaa maanta markaad eegto waxay ka mid tahey wasaaradaha ugu liita wasaaradaha kale ee Soomaaliya ka jira sababtuna waxaa weeye iyadoo wax daqli ah ama miisaaniyad ah aysan ka helin Dowlada iyo faragalin joogta ah ay ku hayeen madaxda dowladii hore marka wasiirka uu damco inuu shaqo ka qabto shaqsiyaadka isboortigii Soomaaliyeed is lehaysiiyay labaatankii sano ee la soo dhaafey. Hadane 4.5 awood qaybsiga xukumada iyo baarlamaanka ku dhisan yahey ayaa curyaamiyey howlihii ay qaban laheyd wasaaradaasi, sababtoo ah masuuliyiinta loo soo magacaabayo ayaa ku yimid shaxdaas, kuwaasoo markoodii hore aanba ku qanacsaneyn u soo magacaabista wasaaradatan loogu soo magacaabey iyo weliba wada shaqeyn la’aanta ka dhex jirta masuuliyiinta xilalkaas ku magacaaban oo dhan, taasoo curyaamisey horumarkii laga fili lahaa oo dhan. Shaqada laga rabo aad moodo inaysanba diyaar u aheyn iyo inay isku dayaan inay wax u qabtaan dhalinyarada iyo isboortiga dalka Soomaaliya oo dhan, iska daa magaalada Muqdisho ay joogaan xataa wax lagu faani karo oo ay ka qabteen ma jirto tan iyo wixii ka dambeeyay geeridii Allaha u naxariistee marxuum Saleebaan Colaad Rooble wasiirkii hore isboortiga iyo dhalinyarada, kasoo biloow fiican ka sameeyay dib u nooleyntii isboortiga iyo dib u howl galintii wasaarada isboortiga iyo dhalinyarada. Dowlada Soomaaliya waxaa waajib ku ah inay u dajiso miisaaniyad ay ku shaqeyso wasaarada isboortiga iyo dhalinyarada, waa hadii la rabo in dhalinyarada laga reebo ka mid noqoshada maleeshiyo kooxeedyada ka jira dalka iyo kooxaha wax dila, wax dhaca, wax afduuba, kuwa is qarxiya, kuwa miinada aaso, si loo badbaadiyo jiilka soo socdo qaasatan caruurta iyo dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka oo dhan, tusaale dalalka aynu joogno dowladaha ka jira iyo degaanada dowlada hoose oo dhan waxay ku bixiyaan miisaaniyad xoog badan gacan siinta howlaha dhalinyarada iyo isboortiga, taasoo run ahaantiina sameyn weyn ku leh horumarka ay ka gareen nolasha iyo nabadgalyada. Tusaale Soomaalida ku dhaqan wadamada galbeedka ururo badan oo arimahaasi shaqo wanaagsan ka qabtey oo ka faaideystey fursadaas ay ka heleen dowladahaas ayaa ka dhisan meelo badan, kuwaasoo qaarkood gacan ka siin kara wasaarada isboortiga iyo dhalinyrada sidii wax loogu qaban lahaa caruurta iyo dhalinyarada, inkastoo kuwa aanan wax qabana ay jiraan. Marar badan oo kale doodey hay’addaha isboortiga dalka ka jira sida GOS & Xiriirada tirada badan wada shaqayn la’aanta kale dhaxeysa wasaarada isboortiga iyo dhalinyarada, waxayna ku dooden oo si cad iigu sheegeen inay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan ayna hoos yimadaan wasaarada, hadii baahidooda ay dabooli karaan sidii markii dowlada dhexe dalka ka jirtey, balse aysan diyaar u aheyn inay hada la shaqeeyaan, madaama aysan wax dhaqdhaqaaq muuqda aysan ka qaban magaalada Muqdisho, iskadaa dalka intiisa kale ayna dabooli karin baahidooda. Wasaarada isboortiga iyo dhalinyarada 80% howlaha isboortiga dalka iyadaa laga rabaa maareyso, anagana 20%, laakinse halkii markii hore madaxda Olambikada Soomaaliya ay sharciga ahaayeen madaxda dowlada ayaa wax laga badaley, inay xiriirada doortaan laga dhigey qofkii noqonaya gudoonka GOS sidaasi waxaa yiri Xoghayaha GOS mudane Cabdulaahi Tarabi. Marka Soomaalidu waxay tiraahdaa gari labo nin kama wada qoslisiiso, wasaarada isboortiga iyo dhalinyarada waxaa laga rabaa masuuliyiinta xilkaas ku dhaaratey inay uga soo dhalaalan sidii Allah og yahey, oo ay shaqo iyo wax qabadna la yimadaan,islamarkaana ay dowlada warsadaan dhaqaalihii ay ku fulin lahaayeen howlahaas baxada weyn ee mustaqbalka u leh jiilka soo socdo. Wasaarada Isboortiga iyo dhalinyarada waxaa looga fadhiyaa gacanta ku dhigto garoomada isboortiga dalka oo dhan, islamarkaana dayactirto,si xiriirada isboortiga u isticmalaan, in xafiisyada xiriirada iyo GOS ay ku shaqeyn lahaayeen ka dhex furto wasaarada dhexdeeda, si ay uga howlgalaan, sameyso sharcigii lagu maamuli lahaa isboortiga dalka oo dhan, sida min tuulo,degmo.gobal ilaa heer Qaran. Qodobka ugu weyn oo dastuuriga ah ee horyaal waa dhisida sharcigii Olambikada iyo Gudiga Olambikada lagu dooraan lahaa, turxaanbixinta iyo dhisida xiriiro rasmi ah oo Soomaaliya dhan ka howl gala, dadkuna ay ku ganacsan yihiin, waayo xiligii hogaamiye kooxeedyada waa laga soo gudbey, marka ma jiri karto inay sii shaqeeyaan hogaamiye kooxeedyadii isboortiga, waayo isboortigu wuxuu u baahan yahey isbadal dhab iyo jiil maskax furan oo hogaamiya mustaqbalka soo socda. Wasaarada isboortiga iyo dhalinyarada waxay arimo badan gacan kaga heli kartaa hay’addaha caalamiga iyo wadamada aan saaxiibada nahey sidii howlaheeda u soconsiin laheyd. Waxaa dalka ku nool qubaro badan oo isboortiga ka soo shaqeyn jirey iyo kuwa qurbaha ku nool oo diyaar u ah in dib loo hawl galiyo, hadii ay noqon laheyd shaqo laga siiyo wasaarada xafiisyadeeda oo dhan iyo la taliyaal talo wanaagsan siin kara, balse waxaan soconeynin in aan waxbo la qabanin oo hadane darajo la iska sheeg sheegto. Qormadeyda waxaan ku soo gunaanadayaa in wasaarada isboortiga iyo dhalinyarada inay wax qabato waxaa hortaagan maamul xumo, aqoon daro isboorti, dhaqaale la’aan, rabitaan wax qabad laheyn iyo masuuliyiinta darajada loo soo xirey iwm ah. ”Hurdaayoow Toos, Toos, Hurdaayooow Toos, Toos” W/D: Yusuf Mohamed Abdi Yusuf mrsomalia@hotmail.com London

Filed in: International Sports

Recent Posts

Bookmark and Promote!

Leave a Reply

Submit Comment

© 2014 Garoonka. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by

Zakaria.