0

QABIIL IYO SPORT MAXAA ISKA QUSEEYA? YAAAAAAAB!!!!!!

Akhrisatayaasha qaayaha leh qormadeena maanta waxaan ku soo qaadanaynaa qabiil iyo sport. Maxaa iska quseeya labadan aan sheegayo, halkee bay iska soo galaan, IWM. Marka dooddan waxy dhexmaraysaa labadan aan kor ku soo sheegay ee kale ah QABIIL IYO SPORT.

SPORT: War nin yahow Qabiil maxaa iga kaa daba dhigay aniga, oo aad iigula daba ordaysaa qabiil?

QABIIL: Sportiyow hadalkaaga waxaa wanaagsan in aad asluubayso, anigu qof sharaf leh baan ahay, waan ka weynahay in aan qof daba cararo ama daba dhigto. Adduunka oo dhan waa la iga yaqaan, Diin aan i sheegin ma jirto, haddii ay noqon lahayd midda muslimka ama midda gaalada. Marka aan ku leeyahay warkaaga asluubay, waxaan a hay qof sharaftaas leh.

SPORTIGA: Qabiilow haddii aan kuugu gardarooday iga raali noqo, laakiin maalin walba waxaa dhaliil kula daba taagan shacabka, gaar ahaan kuwa Soomaalida. Arrintaasi maxaad ka dhihi lahayd?

QABIIL: Aniga mar horana waan kuu sheegay in aan ahay qof umadda dhexdeeda karaamo ku leh, Ilaaheeygii na abuurtay ayaa quráankiisa igu sheegay. Midda kale aniga cid wax iga sheegan karta maba jirto, sabatoo ah ruux walba ama qof walba aniguu i yahay. Maanta qof aan qabiil ahayn ma jiro, qof walba qabiil ayuu sheeganayaa. Iyadoo ay sidaasi tahay inta sportiga ka ciyaarta dunida guudkeeda aniga ayey i sheegtaan, qabiil hebel ayaan ahay ayey yiraahdaan. Mise waa beentey?

SPORT: Qabiilow marka hore waad mahadsan tahay, meel dhow ayaad wax iga tustay. Marka adiga oo qabiil ah, waaya arag ah, sideen u wada shaqayn karnaa? Sideen u hakin karnaa dacaayaddan shacabka?

QABIIL: Sportiyow anigu waan ku jeclahay, sababtoo ah adiga waxaad kulmisay dadkii oo dhan, adigoon ku kale soocayn midab, dherer, gaabni, buurnaan, caato, xoog, tabaryari, qurux, foolxumo, dheerreeye, gaabshe, muslim, gaal, tuullo, degmo, gobol, waddan, iyo qaarad.

SPORT: Qabiilow waxaan ku weyddiiyey goormaad sidan ii barratay? Midda kale ma markii hore fikirka aan kaa haystay, mise hadda waxa aan kaa aaminsannahay. Waxaanse la yaabanahay dadka adiga ku dacaayadaynaya, ee leh sportiga qabiil ha laga saaro. Qabiilada oo dhan haddii laga saaro sportiga yaa ciyaaraya sportiga?

QABIIL: Sarta meesha ay ka qurunsantahay anigaa garanaya. Waxaa Illaah mahaddiis ah haddii aan adiga iyo aniga is fahamnay. Midda kale Aw-sportiyow waxaa jira mid aniga ii magac eg oo dadkayga isticmaalaan. Waxaanna jeclaan lahaa in aan ku casuumo dooddan aniga iyo adiga na dhex maraysa.

SPORT: Walaalow ma ii sheegi kartaa qofkaasi si aan u barto isagana?

QABIIL: Anigaa kuu keenaya, dooddanna ka soo qayb gelinaya, waxaana la yiraahdaa…………….laakiin maxaan uga hor dhacayaa isagoo jooga ayaan ku barayaa.

QABIIL: Sportiyow marka hore waxaan aad iyo aad ugu faraxsannahay is fahamka aan isfahamnay. Dadka oo dhan haddii ay sidan isu fahmi lahaayeen wey wanaagsanaan lahayd.

SPORT: Qabiilow ma waxaan ku mooday, mise waxaad noqotay, mise waxaan loo noqon doonin. Waxaan ku mooday nin xun oo dadka kala qaybiya, waxaase noqotay nin karaame leh, waxaanse loo noqon doonin in meel cid la’ ah lagaa maago. Midda kale aaway ninkii aad i lahayd waan ku barayaa?

QABIIL: Sportiyow waad mahadsan tahay. Ninkii aan ku lahaa waan ku barayaa waa kan halkan taagan barasho wanaagsan. Magaciisa waxaa la yiraahdaa QABIILISTE.

SPORT: Barasho wanaagsansaaxiib. Aniga SPORT baa la i yiraahdaa. Laakiin qabiilow sidaad horey iigu sheegtay magac ahaan waad isu dhowdhiin.

QABIIL: Aniga dadka waxa igu diray waa kan, sababtoo ah, wareeggiisa ayaa badan. Fadhi ku dirirada lagama waayo, goobaha ganacsiga wuu joogaa, xafiisyada iyo waddooyinka lagama waayo. Maalmahan dambana wuxuu lugta la soo galay goobaha cayaaraha iyo masaajidda oo aan qabyaalad laga aqoonin.

QABIILISTE: Qabilow ninkan aad i bartay, magaciisa waxaad iigu sheegtay SPORT.

Anigu ma jecli nin aan qabiilkayga ahayn in uu sport sheegto.
Anigu ma jecli nin aan qabiilkayga ahayn in uu shiikh noqdo.
Anigu ma jecli nin aan qabiilkayga ahayn in uu noqdo madax.
Anigu ma jecli nin aan qabiilkayga ahayn in uu noqdo Ditoor.
Aniga ma jecli nin aan qabiilkayga ahayn in uu noqdo Laandheere.
Aniga ma jecli nin aan qabiilkayga ahayn in uu noqdo, Boqor, Ugaas, Malaaq, Imaan, Islaan, Garaad, IWM.
Anigu ma jecli in aan arko nimaan qabiilkayga ahayn.
QABIIL: War bal u kaadi ninkan hadda ayaa ku baray. Hadal badnidaa.

QABIILISTE: Ha i dhihin hadal badnidaa. Qabiilkayga waa wada abwaanno, waa wada mu’alifiin, waa wada gabyaa, waa wada suugaanley, waa wada aftahanno, waa wada indheer garad, waa wada caaqiliin, waa wada culummo.

QABIIL: War bal u kaadi. Marka hore ninkan kala warqaada.

QABIILISTE: Maxaannu kala warqaadnaa, hadduusan qabiilkayga ahayn. Muxuu ii sheegayaa? Maxaan kala sheekaysanayaa? Maxaan ka faa’iidayaa?

SPORT: War ninyahow qabiilistaha sheeganaya. Hadalka aan isa siino. Qof walibana markiisa ha hadlo.

QABIILISTE: Maxaan wada hadalnaa. Meel aan anigu joogo kamaba hadli kartid. Anigana waan ogahay, adigana waad og tahay. Kubadaha lagu ciyaaro nuuc walba gurigeenna way ka buuxaan, shabaqa goolasha inta ay naga bateen ayaa dermo ku tolonaa. Caruurteenna soo jeed iska daa sportiga wey ku riyoodaan. Marka ma adigaan sport kaala sheekaystaa, oo aan waqti kuugu lumiyaa.

QABIIL: Qabyaaliste qabyaadda jooji.

QABIILISTE: Qabyaaladda jooji ha i dhihin, waad aragtaa reer hebel waxa ay ku kacayaan. Ma iyagaan ka liitaa, ma anigaa nasab dhiman ah, ma anigaan aqoon lahayn, ma anigaan geedkii ay boodaan boodi karin. Maantana ma waxaasaad ii keentay.

Ma waxaad doonaysaa in la i boobo
Ma waxaad doonaysaa in dhulka la igu jiido.
Ma waxaad doonaysaa in la iga sare maro.
Ma waxaad doonaysaa in la i qariyo.
Ma waxaad doonaysaa in la i billiliqaysto.
Ma waxaad doonaysaa in meel cidla ah la iiga tago.
Ma waxaad doonaysaa in aan dhinto.
Intaasi haddii aad ila doonaysid weligay joojin maayo qabyaalad.
SPORT:
QABIILISTAHA QABYAALADDA WADOW QARAN IYO QAAB WADDANINIMO BAAN WADNAAYE, KA JOOG QABYAALADDA.
QABIILISTAHA QABYAALADDA WADOW QUURSI DIID IYO QAYLO DHAAN BAAN WADNAAYE, KA JOOG QABYAALADDA.
QABIILISTAHA QABYAALADDA WADOW QAAB TARTAN IYO QIYAANO LA’AAN BAAN WADNAAYE, KA JOOG QABYAALADDA.
QABIILISTAHA QABYAALADDA WADOW QUURSI IYO QAB ISLA WEYNI BAAD WADDAAYE, KA JOOG QABYAALADDA.
QABIILISTAHA QABYAALADDA WADOW QURUN IYO QIYAANNO AAN LOO JOOGIN BAAD WADDAAYE, KA JOOG QABYAALADDA.
QABIILISTAHA QABYAALADDA WADOW QIIQ ISKU QARIN IYO QAR ISKA TUUR BAAD WADDAAYE, KA JOOG QABYAALADDA

Waxaa diyaariyey: Garsoore FIFA Abdulkadir Caddaay

Filed in: International Sports, News

Recent Posts

Bookmark and Promote!

Leave a Reply

Submit Comment

© 0415 Garoonka. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by

Zakaria.