MAXAMEDOW SPORTIGA MAXAA LAGA SHEGAY?OO AYAAMAHAN LAGA WAAYEY GAROOMADA!!!!!

Akhristayaasha aad iyo aad bay u xiiseeyaan maqaalkan ah Maxamedow Sportiga maxaa laga sheegay? Maanta sheekada Maxamed iyo Muuse aad bay u xiiso badan tahay. Waxayna ku bilaaban doontaa sidan hoos ku qoran:

MUUSE: Maxamedow sportiga maxaa laga sheegay?

MAXAMED: Muusow waxaan kuu sheegayaa nimmaan dhul marin dhaayo ma leh. Meelo badan ayaan tegay intaan kala maqnayn. Adiguse London ayaad iska dhex fadhiday intaan maqnaa. Waxaan tegay Africa, waxaan ka qayb galay cayaarihii bariga iyo bartamaha Africa. Soomaliya waxaa metalayey wiilal yaryar oo farsamadooda aad u sareeysa, haddana ay si wax ka yihiin. Waxaan u kuur galay halka ay salaaddu iska qaban la’dahay. Waxaa ii soo baxay in cayaartoyda iyo tababarahooda somaliyeed in aysan ku qanacsanayn in loo keenay tababare ajnabi ah oo aan ciyaartoyda kala aqoon. Waxaan kaloo helay in maamulka xiriirka ay yihiin shiikhul kulli, iyagaa macallamiin ah, masaajatoore ah, xoghaye ah, guddoomiye ah, dhaqtar ah, dadka qaarkii waxayba i leeyihiin waxay ku sigteen in ay garoonkaba ciyaartoy ahaan u galaan.
Waxaan tegay Somaliya, waxaan isku dayey in aan dhawr gobol tago, waxaase ii suura galay in aan tago labo magaallo, waa Baydhabo iyo Gaalkacyo. Run ahaantii sportiga Gaalkacyo wuxuu ahaa mid aad iyo aad u heer sareeya, abaabulka tartamada waxaa hogaaminayey wiil dhalinyaro ah ooo lagu magacaabo Abdiqani Carabeey. Abdiqani wuxuu ku mashquul sanaa caruur aad iyo aad u da’ yar oo kubadda cagta ciyaarayey. Waan u hambalyeeyey, wuxuuna ii sheegay in uu kaalmo yar ka helo qurbajoogta somalida. Wuxuu kaloo ii sheegay Abdiqani in Gaalkacyo laga heli karo ilaa iyo siddeed ciyaartoy oo metalla Qaranka Soomaaliyeed.
Muusow waxaan kaloo tegay magaalada Baydhabo, waxay ii sheegeen in ay shalay fureen tartan ciyaarta kubadda cagta ah. Ninkii furay tartanka oo lagu magacaabayey Ali Shaambow oo ahaa cayaartoydii Serie A ee baydhabo u soo cayaaray, in lagu dhaawacay maanta, mar uu ka soo baxay masaajidka Baydhabo. Sababta loo dilayeyna ay ahayd cayaaraha uu furay. Aniga ruuxaddayda inta aan baqay ayaan lafahayga la soo baqay.
Dubai ayaan imid, ka dibna nin aan asxaab nahay ayaa wuxuu iigu casuumay magaalada Kuwayt. Markii aan halkaa tegay ayaan waxaan la kulmay. Koox cayaartoy ah iyo maamul wada socda oo ka yimid magaalada London. Muusow markaan runta kuu sheego, dadka aan halkaa ku soo arkay sida aan adiga kuu aqaan ayaan u wada aqaanay. Waxaan daawaday cayaarihii ay halkaa ku ciyaaren. Waxaad dhihi kartaa in Soomaalinimadaba ay ku dambayso dalka kuwayd. Maxaa yeellay jaalliyadda halkaa deggan waa dad isku duuban, kala dambeeya, ismaqlla, qabiil aan ku jirin. Muusow yaan war kuugu daalinnine, markaan imid garoonka diyaaradaha London, ayaan waxaan arkay soomaali fara badan oo boorar soo dhaweyn ah ku qoran yihiin sitta iyo calanka Soomaaliya. Daqiiqad yar ka dib waxaan arkay labo nin oo sida madaxwyne loo soo dhaweynayo. Waxaan weyddiiyey su’aal ah labadan nin ma wasiiradii dhawaan la doortay baa? waxaa laygu yiri maya. Ma madaxweynaha Soomaliya iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka miyaa? Maya ayaa laygu jawaabay. Ma madaxweyne dawlad goboleed baa? haddana jawaabtii waxay noqotay maya. Ka dib waxaa la ii sheegay in uu midkood yahay suxufi wax ka qora sportiga, ninka kalena waxaa laygu yiri waa Amiin Caamir. Ma anaan yaabin, waxaan hoosta ka iri wuu u qalmaa in loo soo dhaweeyo sidan iyo si ka wanaagsan. Muusow waxaan kaloo kuu sheegayaa in aan ka soo nastay qaboowgan iyo hargabkan aan ingiriiska ka dhamaanayn. Bal adiga ii waran intaan maqnaa sportiga maxaa iga dambeeyey.

MUUSE: Maxamedow, waxaan kuu shegayaa cayaarihii way yaraaden sababta waad iska garan kartaa, waa qabowga dartii. Fadhi ku dirirkuse wuu batay, sababta waxay tahay in qabowga laga gambanayo iyo in la wada shekaysto. Marka hore waxaa igu maqaal ah.

La soco qaybta dambe.

Waxaa diyaariyey: Abdulkadir Caddaay

digg delicious stumbleupon technorati Google live facebook Sphinn Mixx newsvine reddit yahoomyweb